Baarlamaanka 

Xildhibaan ka tirsan Jubbaland oo u geeriyooday xanuunka COVID-19

Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ugu geeriyooday cudurka safmarka ee COVID-19.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in Marxuumka uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada.

“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira