Baarlamaanka 

“Dhallinyarada rajo ayey ka muujinayaa wadda-hadalada cusub ee uu xalay ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo”

Maxamed Ibrahim, oo kamid ah dhallinyarada sannadkan dooneyso u tartamida kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay rajo beel ka muujinayeen wadda-hadalo la’aanta ka dhex jirta hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

“Rajo ayaan leenahay mar walba oo madaxda ay isugu yimadaan hal magaalo, balse rajadeena waa hubanti la’aan maxaa yeelay hoggaamiyayaasha wali iskuma qanacsana”, ayuu u sheegay Kalfadhi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira