Warar 

Dhallinyaro sheegtay in Madasha Badbaado Qaran ay ka run sheegaan magaca balse aysan noqonin mucaarad keliya

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hoggaaminaya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa todobaadkii hore loogu dhawaaqay magaalada Muqdishu.

Saleymaan Xaaji, oo kamid ah dhallinyaradda sannadkan ku hamineysa u tartamida kuraasta golayaasha sharci dejinta dalka, ayaa sheegay in Madasha Badbaado Qaran looga fadhiyo in ay ka run sheegaan magaca balse aysan noqonin koox keliya ka hadla dhaliisha dowladda ama noqda mucaarad keliya.

“Nidaamka dimuqraadiyada ayaa dhiga in la helo kooxo badan oo ka mideysan danta dalka balse lama rabo in aad dano gaar kuu ah keliya ka howgasho”, ayuu u sheegay Kalfadhi.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira