Warar 

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay halka lagu qabanayo shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe, ayaa sheegay in shirka uu xalay iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada cirka.

Mudane Dubbe ayaa hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’iid oo uu gelinkii dambe ee shalay uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Muqdishu.

Shirkan oo la qorsheeyay in la qabto 22ka bishan ayaa loogaga hadlayaa arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa shirkan qaban qaabadiisa ku howlan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya sida uu sheegay Wasiir Dubbe.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira