Warar 

Farmaajo, Cumar Filish & madaxda saddex dowlad-gobolleed oo gaaray xarunta shirka

Madaxweyne Farmaajo iyo saddex kamid ah madaxda maamul-gobolleedyada oo gaaray madasha shirka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa goor dhoweyd gaaray garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu maanta ka furmi doono shirka madaxda maamul-gobolleedyada iyo kuwa federaalka.

Madasha waxaa horay u joogay madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur-Galbeed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hase yeeshee Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galkooda shirka maanta, waxaana la isku hayaa ajandaha shirka.

Shirka maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhinacyada ka qeyb galaya ay isku khilaafsan yihiin arrimo badan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira