Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir-guddoomiyay shir hor-dhac u ah shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha  muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Labada Madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkaasi ka maqnaa.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira