Warar 

Wasiirka Warfaafinta oo maanta sheegay in shirka arrimaha doorashooyinka uu furmay, baaqna u diray Puntland iyo Jubbaland

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa maanta sheegay in uu furmay shirka arrimaha doorashooyinka oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Wasiir Dubbe oo shir jaraa’iid qabtay ayaa dhinaca kale ugu baaqeyso madaxda Jubbaland iyo Puntland in ay ka soo qeybgalaan shirka maalinta berri oo uu sii socon doono shirka.

Madaxweynaha  muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira