Warar 

Maalintii labaad ee shirka arrimaha doorashooyinka oo ka furmay Teendhada Afisyooni

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamuladda Koonfur-Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa maalintii labaad kulan ku leh Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo aan saxaafada lagu casuumin maanta ayaa ah kulankii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Taliyaha ciidanka booliska Gen Xijaar, ayaa warbixin looga dhegeysan doonaa kulanka manta, isagoona soo bandhigi doono sharaxaada amniga Doorashooyinka.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wali ka maqan shirka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira