Warar 

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur-Galbeed oo ka wada-hadlay dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shalay ku booqday hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Labadda madaxweynaha ayaa ka wada-hadlay dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo dadaalada ay ugu jiraan sidii heshiis looga gaari lahaa arrimahan taaggan.

Labada maamul oo aad ugu dhow dowladda federaalka ayaa Muqdishu u jooga shirka dhammeystirka heshiiska doorashada federaalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira