Warar 

Madaxda maamul-goboleedyada iyo wakiilada Beesha Caalamka oo maanta ku shiraya Muqdisho

Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Juballand ayaa manta lagu wadaa in ay magaalada Muqdishu kula kulmaan wakiilada xubnaha beesha Caalamka.

Kulankan oo ka dhacaya Tendhada Afisyoone, ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa is-mari waaga ku hor-gudban geedi-socodka doorashooyinka guud ee dalka. Dhinaca kale shirka ayaa looga hadli doonaa sidii heshiis looga gaari lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo.

Halkan kala soco kulanka iyo wixii ka soo baxa

Warar kale oo la xiriira