Aragti 

Qofkuu doono ha ahaadee, ma jirto qof eed tiri kara eedeysane gartiisu ay hortaalo maxkamad

Hay’adaha Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah horey ugu soo eedeeyeen Cabdirashid Janan dembiyo la xiriira xuquuqda aadanaha isaga oo mar ka soo muuqday maxkamad kadibna uu ka baxsaday meel lagu hayay markaas waxaa loo jaray amar soo qabasho si loo horgeeyo caddaaladda.

Hadaba, heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka.

Sidoo kale, dowadnimadu ma aha la jiifiyaana bannaan ee waa hay’addo isku sidkan oo haddana kala madaxbannaan go’aanadoodana lagu hago dastuur iyo xeerar u degsan. 

W/Q Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Mudane Abshir Buqaari.

Fikirka iyo qoraalka waxaa uu gaar u yahay qoraaga. 

Warar kale oo la xiriira