Warar 

Xabiibo Maxamed oo aaminsan in dhallinyarada wax-baratay aysan dan ugu jirin doorasho dadban

Xabiibo Maxamed, oo kamid ah dhallinyarada wax-baratay ee ku nool magaalada Muqdishu oo ka hadleysay kulan dood-wadaag ah ayaa sheegtay dhallinyarada wax-baratay in aysan wax dan ah ugu jirin doorasho dadban oo ka dhacda dalka Soomaaliya, iyadoona ku sababeysay in dhallinyarada ay u baahanyihiin cilmigii ay soo barteen in ay dalka wax ugu qabtaan, iyagana ay wax ku qabsadaan.

“Marka la yiraahdo doorasho dadban, lacago waaweyn oo maskaxdeena ka baxsan ayaa laga hadlayaa, iyadoona qofka dhallinyarada ah uusan laheyn awood uu ku bixiyo lacagtaasi, sababtaasi ayeysan dhallinyarada muhiim ugu aheyn doorasho dadban,” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Mid kamid ah caqabadaha dhallinyrada ka hortaagan kamid noqoshada Baarlamaanka?

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa bishii Octoober ee sannadkii 2020 soo saaray habraaca doorashooyinka dadban ee sannadkan 2021, kaddib markii 26-kii September Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay heshiiskii doorashada ee ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.

Dhallinyarada ayaa u arka shuruudaha ku jira habraacyada in ay intooda badan ka hor istaagayaan kamid noqoshada Baarlamaanka iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Tusaale ahaan lacagta diiwan-galinta musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. Halka sannadkii hore ee 2016/17 ay aheyd $10 (Toban kun oo dollar) musharax kasta.

Dhinaca kale, lacagta diiwan-galinta musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka, waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. Halka sannadkii hore ee 2016/17 ay aheyd $5 kun oo dollar.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira