Baarlamaanka 

Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta u baaqday kooram la’aan iyo buuq

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u furmi waayay kooram la’aan iyo buuq hareeyay kulanka.

Ajandaha kulankii maanta ayaa ahaa ka doodida caabuqa COVID-19 balse xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in ajanda kale oo muddo kordhin ah uu ku hoos jiro ajandaha uu waddo guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa markii uu soo galay fadhiga dib-ugu laabtay kaddib markii buuq laga horgeeyay.

Xildhibaan Xasan Yare, ayaa sheegay in ciidamo dhar cad ah lagu soo daad-gureeyay xarunta Baarlamaanka balse xildhibaannada ka aragtida duwan ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo dowladda ay kusoo daad-gureysay xarunta.

Warar kale oo la xiriira