Warar 

UK oo ka digtay muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedka dowladda, baaqna u dirtay madaxda Soomaalidda

Wasiirka dowladda Ingiriiks u qaabilsan arrimaha Afrika James Duddridge, ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha Soomaalidda in ay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka, isla markaana ka digay muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedka dowladda federaalka.

“UK ma taageeri doonto ficil kasta oo horseeda hannaan doorasho kala qeybsan, mid barbar socota iyo in toos muddo kordhin loogu sameeyo muddo dowladda” ayuu yiri James

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in si degdeg ah loogu baahan yahay inay isu yimaadaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed oo ay heshiis guud ka gaaraan hirgelinta geeddi socodka doorashada, iyadoo la raacayo heshiiskii doorashada ee 17 September iyo soo jeedintii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira