Baarlamaanka 

Xildhibaan Mahad Salaad “COVID-19 waa dhibaato dalka ka jirta balse ma ahan shaqo u taalla Baarlamaanka”

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay xarunta Golaha, ayaa sheegay in guddiga u xil-saaran arrimaha xanuunka COVID-19 aan lala socodsiinin ajandaha kulanka maanta.

“Markii aan wareysanay guddoomiyaha guddiga, waxaa uu noo sheegay in aysan jirin cid lasoo xiriirtay iyo in aysan la soconin warbixin COVID-19 oo maanta Baarlamaanka uu u balansanyahay balse ay ajandaha u maqleen sida xildhibaannada kalena ay u maqleen”

Mudane Salaad, ayaa dhinaca kale sheegay in COVID-19 uu yahay dhibaato ka jirta dalka Soomaaliya, balse aysan aheyn arrin u taalla Baarlamaanka, waxaa uu xusay in arrintan mas’uuliyadeeda ay leedahay xukuumadda uuna jiro guddi loo xil-saaray.

Waxaa uu wax laga xukuumdo ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay in madaxweyne Farmaajo uu jeebka ku rito guddoonka Baarlamaanka.

Xukuumadda Federaalka ayaa bishan March xayiraad gelisay dalka, iyadoo muddo afar todobaad ah la xiray iskuuladda iyo jaamacadaha isla markaanna la mamnuucay isku-imaatimada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira