Baarlamaanka 

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddiga oo sheegay in ay dooran doonaan Guddoon labaad oo shaqada qabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 15 xildhibaan ka joojiyo in ay kasoo qeyb-galaan fadhiyada Baarlamaanka muddo shan kulan ah, kaddib markii lagu eedeeyay in ay is-hortaag ay ku sameyeen fadhigii maanta.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray xayiraad uu guddoonku ka saaray ka qeybqaadashada fadhiyada baarlamaanka.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ahaa xildhibaannadaasi ayaa sheegay inaysan jirin wax laga mamnuucay laakin ay arkeen warqadda ka soo baxayday guddoomihii hore ee baarlamaanka.

“Warqadda waan aragnay laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiaga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.”

“Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaambka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira