Baarlamaanka 

Xildhibaan Cilmi Maxamed “Anniga ma joogin kulanka balse waxaa la igu daray liiska 15-ka xildhibaan ee la mamnuucay”

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada 15-ka ah uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka, ayaa sheegay in uusan joogin kulanka balse lagu soo daray liiska xildhibaannada laga mamnuucay kulanka.

“Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay…warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn”

Mudanayaasha laga mumnuucay kulama ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, balse waxaa ay gaashaanka u daruureen go’aanka guddoonka baarlamaanka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira