War-Saxaafadeedyo 

Xoogag siyaasadeed oo isugu jira xildhibaanno ayaa isbaaro u dhigtay in Farmaajo uu dalka ka qabto doorasho Qof iyo Cod ah

Anigoo ah Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed -XWS- (Somali Patriotic Party -SPP-, ahna Musharrax Madaxweyne doorashada 2021-2025, salaan kal iyo laab ah kaddib waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xisbiyada qaranka iyo wakiillada kutlada xildhibaannada badbaadada shacabka ee BFS ee ku kulmay HOTEL DECALE oo ku yaal garoonka dayuuradaha ee Aadan Cadde – Muqdisho 23.03.2021.

Xisbiyada iyo Kutladu waxay ku midoobeen aragti siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale oo waddani ah ka tarjumaysa danaha dadka iyo dalka. Xisbiyadu waxay ku dhismeen sharci uu meel mariyey baarlamaankii 9aad ee JFS; baarlamaankaasi wuxuu sidoo kale meel mariyey, Madaxweyne Xasan Sheikh na uu saxiixay sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo markii ay qorshaysay inay dalka doorashooyin u jiheyso, waxaa irid kasta soo xiray oo dimoqraadiyadda isbaaro u dhigtay xoogag siyaasadeed oo isugu jira xildhibaanno (haba tiro yaraadaane) ka kooban 2da aqal ee BFS iyo 2da Dowlad-Goboleed ee PL & JL oo ay horkacayaan 2 Madaxweyne ee Hore (Sharif Sheikh & Xasan Sheikh). Sida ku qeexan dastuurkeenna KMG ah sannadkii 2012 waxay ahayd in ay dalka ka qabsoonto doorasho qof & cod, waa la baal maray; sidoo kale 2016 wuxuu shacabka Soomaaliyeed naawilayey doorasho qof & cod ah, iyadana waa laga leexday oo la keenay doorasho dadban.

Ummadda Soomaaliyeed sannadkaan 2021 shaki ugama jirin in ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo xisbiyo ku tartamaan hoggaaminta dalka, shacabkuna uu doorto wakiilladiisa siyaasadeed iyo Madaxweynihiisa; taasna waxa lugta ku dhuftay madaxweyneyaashii hore ee fuliyey 2da doorasho ee kor ku xusan oo kaashanaya mucaarad u taagan wax dumin iyo burburin qaran.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay diyaarisay hannaan doorasho oo ahaa kan ugu fudud ama ugu macquulsan laguna soo tijaabiyey dalal ka mid ah adduunka laguna soo guuleystay, hannaankaas oo lagu magacaabo “Matalaadda Isu Dheellitiran ee Liiska Xiran, Hal Deegaan Doorasho (Proportional Representation, Closed List, Single Constituency)” – waa la diiday; beddelkiisana waxaa la diyaariyey hannaan doorasho oo qof iyo cod ah oo sharcigiisii uu ansixiyey baarlamaanka 10aad, Madaxweyne Farmaajo na uu saxiixay – mar kale waa la diiday. Halkaas waxa lagu laalay hawlihii Guddigii Doorashooyinka Qaranka, Sharcigii Doorashooyinka iyo kii Xisbiyadii Dalka. Ugu dambayntii halgan siyaasadeed oo dheer kadfib iyo tanaasulaad ay samaysay dowladdu, gaar ahaan MW Farmaajo oo ka soo billowday Dhuusamareeb 1, 2, 3, 4 ayaa 17.09.2020 lagu gunaanaday Muqdisho iyadoo la saxiixay heshiis u dhexeeya DFS, dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Nuxurka heshiiskaas waxaa soo jeediyey dowlad-goboleedyada ay ugu horreeyeen PL iyo JL, haddana waa tan caqabadiisu ay maanta taagan tahay oo la kari la’yahay Hoggaamiyeyaasha PL iyo JL oo ay gadaal ka fadhiyaan kuwa aan doorasho rabin, dadka iyo dalkana aan wax dan ah u haynin balse u taagan “Cadkaanow Wallee Ama Ku Cunay Ama Ku Ciideeyey”.

Haddaba, Soomaaliyeey dadkeenna iyo dalkeennu xaaladdatan cakiran kuma sii jiri karaan. Sidaas darteed DFS, D/Goboleedyada waddaniyiinta ah, Kutlada Baarlamaanka ee Badbaadada Shacabka iyo Xisbiyada Horusocodka ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay fadhiga ka kacaan, u damqadaan dadkeenna iyo dalkeenna ay qowlaysatadu u tashatay, qaataanna go’aan geesinimo leh oo naf iyo maal loogu huro madaxbannaanida, gobannimada, sharafka iyo midnimada Soomaaliya.

FARRIIN KU SOCOTA BEESHA CAALAMKA:

Mahadcelin, qaddarin iyo abaal weyn ayaan u haynaa beesha caalamka sida hay’adaha QM, dowladaha, ururrada caalamiga ah, hay’adaha samafalka iyo guud ahaan saaxiibada Soomaaliya sida ay weligoodba u garab taagnaayeen welina u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intaas waxaa dheer, Soomaalidu shaki weyn ayey ka qabtaa hab-dhaqanka diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkeenna ka shaqerya qaarkood oo loo arko inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee JFS. Ha la ogaado, sida uu qabo cahdiga QM (UN Charter), diblomaasi ama danjire shaqadiisu waa maamulka iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah (bilateral cooperation) ee dowladdiisa iyo dalka uu ku matalo. Wixi intaas ka baxsan waxa loo yaqaan xadgudub, dowladda uu diblomaasigu la shaqeeyo ayaana xaq u leh in ay go’aan ka gaarto haddii uu la yimaado wax khilaafsan xeerarka iyo shuruucda dowladaha iyo cahdiga QM. Haddaba, waan uga digaynaa diblomaasiyiinta Muqdisho joogta in aay ku dhaqaaqaan tallaabooyin abuuri kara xiriirka dalalkooda iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xumaada ama shakhsiyadda diblomaasiga oo uu soo gaaro dhib saameeya shaqadiisa ama mustaqbalkiisa.

Mar kale, waxaan u mahadcelinayaa xisbiyadii iyo xildhibaannadii ku shiray HOTEL DECALE iyo talooyinkii ku qornaa warmurtiyeedkii ay soo saareen.

Cali Maxamed Geedi

Hoggaamiyaha XWS

Aragtida lagu muujiyey warbixintan waa mid u gaar ah qoraaga, mana ahan mid ka turjumeysa mowqifka tifaftireed ee Kalfadhi.com

Warar kale oo la xiriira