Baarlamaanka 

Kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo la baajiyay kaddib markii muuq uu hareeyay kulankii ka horreeyay

Guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta baajiyay fadhigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo loo ballansanaa in looga hadlo arrimaha xanuunka COVID-19

Fariinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi illaa maalinta arbacada ee 31ka bishan.

“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka.

Fadhigii loo ballansanaa sabtidii ayaa u baaqday kooram la’aan iyo buuq hareeyay ajandaha shirka.

Warar kale oo la xiriira