Warar 

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdishu

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ka dhacay hotel ku yaala Xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, ayaa looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka iyo sidii xal loogaga gaari lahaa.

Beesha Caalamka, ayaa hoggaamiyaasha Soomaalidda ugu baaqday in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, madaxda maamul-gobolleedyadana ay qaataan doorkooda ku aadan doorashada.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa caddeeyay in madaxda maamul-gobolleedyada ay muujiyee kalsooni ku aadan sii socoshada shirka guud ee dhammeystirka heshiiskii doorashada ee 17 September.

 

Warar kale oo la xiriira