Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo kulan ku yeeshay Muqdishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeyb-galeen wasiiro ka tirsan federaalka iyo Koonfur-Galbeed, ayaa looga hadlay xaaladdaha siyaasada ee dalka gaar ahaan arrimo la xiriira doorashooyinka iyo shirarka ka socda Muqdishu.

Guddoonka Golaha Shacabka, ayaa dhowaan ugu baaqay madaxda maamul-gobolleedyada in ay ka shaqeyaan heshiis doorasho dalka ku haga doorasho xor iyo xalaal ah. 

Warar kale oo la xiriira