Baarlamaanka 

Tababar ku saabsan habraaca sharci-dejinta Golayaasha Baarlamaanka oo maanta loo qabtay xildhibaannada Galmudug

Tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta Golayaasha Baarlamaanka, ayaa maanta loo daah-furey xubno kamid ah Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xersi Maxamed ayaa tababarkan ku daah-furay magaalada Dhuusamareeb. 

Tababarka waxaa soo qaban qaabiyey Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Xassan Maxamuud Faarax, waxaana bixinayey Hay’adda  Max-Planck Foundation ee ka shaqeyso taageerada arrimaha Baarlamaanada iyo Dastuurada.

Warar kale oo la xiriira