Warar 

Ururka Haweenka Qaranka oo u baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda in ay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyin

Kulan ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Haweenka Qaranka oo looga hadlayay xaaladdaha siyaasadda ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu.

Qaar kamid ah haweenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirarka u dhexeeya madaxda maamul-gobolleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo maalmahan ka socda caasimada.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale, oo ka hadashay kulanka ayaa rajo wanaagsan ka muujisay mira-dhalka shirka, loona istaago sidii ay u dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wax aan ka heshiin karno yaan wakhti badan ku luminin maxaa yeelay xiliyo adag ayaa lasoo maray, ayey sii raacisay hadalkeeda.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira