Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo ansixiyay laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlaamanka Federaal-ka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa-Hargeysa, ayaa ansixiyay labo xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza, ayaa si rasmi ah maanta uga mid noqday guddiga, waxaana oggolaatay 136-Xildhibaan, 3-Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.

Labada xubnood ayaa isla kulanka lagu hor dhaariyay. 

Warar kale oo la xiriira