Warar 

Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo Muqdishu ku yeeshay kulan looga hadlay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shalay qado sharaf gurigiisa ugu sameeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed e Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlawe).

Madaxda ayaa ka wadda-hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha wadatashga doorashooyinka ee Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkii u socda shanta maamul-gobolleed ayaa kusoo dhammaaday guud-darro kaddib markii la isku fahmi waayay shir weynaha iyo dalab ka yimid madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ahaa in shirka lagu soo daro Madasha Badbaado Qaran.

Warar kale oo la xiriira