Aragti 

Waare iyo waayo-aragnimadiisa Federaalka!

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle waa nin xogogaal ah oo awood u leh inuu qaab maangal ah u sharraxo dhibaatooyinka bulsho iyo tan siyaasadeed ee haysta deegaannada iyo beelaha Soomaalida. Wareysi lala yeeshay oo aan dheggeystayna waxyaabaha uu ka hadlay ee aan aadka ula dhacay waxaa ka mida qeexid iyo qaabeyn cajiib ah oo uu u sameeyay sida ay reeraha Soomaaliyeed ula falgaleen nidaamka Federaalka, iyo kuwa weli cabashada qaba dhibka haysta.

Wuxuu sameeyay saddex-xagal beeleed oo tabashada Federaalka ay ku badan tahay, kuwaas oo kala ah Xawaadle (Hiiraan), Mareexaan (Gedo) iyo Dhulbahante iyo Warsangeli (SSC). Sababaha ay saddexda reerood uga gows-adeygayaan wax-ku-darsiga maamullada ku hareeraysan ayaa uu Dr. Waare u faahfaahiyay qaab ay dad badan wax ku fahmi karaan. 

Waxa uu sababaha ku soo koobay beelahaas oo aanan aragti mideysan ka lahayn siyaasadda ku hareereysan. Isaga oo warkiisa ku xoojiyay hadal u dhignaa “cid walba oo siyaasadda wax ka rabta, inta aysan waxa ay rabto doonan waxaa horta muhiim ah in ay meel isugu tagto oo isku raacdo waxa ay rabto.”

Dr. Waare oo kala dhigdhigaya saddexda reerood iyo saddexda deegaan ee uu kiiskooda tusaalaha u qaatay, waxa uu sheegay in mushkiladda Xawaadle ay ka soo billaabatay iyaga oo aanan aragti mideysan ka qaadan labadii garab ee ay USC u kala jabtay ee dagaallamay (Caydiid iyo Cali Mahdi/Habargidir iyo Abgaal). Waxa uu tilmaamay in ay tolku isku raaci waayeen cidda ay la safanayaan iyo kan ay ka safanayaan, ama go’aanka ay reer ahaan ka qaadanayaan is-haysadka labada dhinac. 

SSC waxa uu xusay in aysan weli reer ahaan isugu waafaqin dhanka ay raacayaan labada maamul ee ay dhexda uga jiraan. Mareexaanka Gedo degganna waxa uu sheegay in ay iyagu arrintooda markii hore culays gaar ah lahayd, oo deegaanka iyo siyaasaddiisaba ay u kala janjeertay Itoobiya iyo Kenya oo xudduudo la leh, markii Federaalka dhismayna uu kala-jiitankii jiray sii xoogeystay.

Talada uu Waare hadalka ku soo dhammeeyay ayaa ahayd “in qola walba ay garwaaqsato in aysan is hureynin cidda ay deegaanka wadaagaan, sidaas darteedna looga baahan yahay inay runta wajahaan oo iyagoo mideysan wixii dantooda ah kala xaajoodaan dadka ay wax kala dhexeeyaan”.

Hadalka Waare waxa uu iftiiminayaa salka jahwareerka hadda ka taagan Federaalka, oo meelaha ay dhibaatadu saameysayna ay u badan yihiin deegaannada aan ka soo hadalnay. Waxaana halkaan laga fahmi karaa in uu xiriir ka dhexeeyo aragtida Federaal-diidka ah ee lagu eedeeyo kooxda hadda Villa Somalia ku jirta, iyo caqabadaha ka taagan deegaannada markii horeba Federaalka u saluugsanaa qanacsanaan-la’aan beeleed darteed.

W/Q Maxamed Dhaaley 

Warar kale oo la xiriira