Baarlamaanka 

Wasiir Fowsiya “Dad sambabadooda ay caddaadeen oo waxa laga qaban karo ay aad u yartahay ayaa Martiina la keenaa”

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar, oo todobaadkii hore warbixin siineysay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, ayaa sheegtay in sida keliya ee dadka lagu badbaadin karo ay tahay in la kala xakameeyo, oo la yareeyo kulamadda, la fasaxo goobaha waxbarashada iyo in xoog la iskugu geeyo la dagaallanka xanuunka.

Drs Fowsiya, ayaa xildhibaannada u sheegtay in isbitaalka Martiina la keenayay dad wakhti badan lagu soo hayay isbitaalo kale ama guryo, kuwaas oo marka xaaladooda ay gaartay meeshii ugu dambeysay la keenyay Martiini.

“Wakhtiga u dambeeya oo ay sambabadooda ay cadaadeen, ayaa naloo keenayaa inta badan dadka, markaasi oo kale wax kasta oo oxygen ah haddii aad siiso, waxa laga qaban karo aad iyo aad ayey u yartahay”, ayey tiri.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira