Warar 

C/kariim Guuleed “Waxaan xoojinaya dadaallada xalka loogu raadinaayo doorashadda 2021”

Musharrax Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ay xoojinayaan dadaallada xalka loogu raadinaayo doorashadda 2021, isaga oo intaasi ku daray in ay tahay muhiim in aan la dayicin fursada maanta taala Teendhada Afisyooni. 

“Daawada Soomaaliya u baahantahay maanta waa doorasho xasiloon, xukunka oo nabad loogu tartamo, nabad la isugu wareejiyo iyo in wadajir loogu adeeggo dalka iyo dadka.”

“Madaxweynaha muddo xilleedku ka dhammaday iyo Dowlad Gobolleedyadu waa iney ku dadaalan iney ka miro dhaliyaan wadahadallada socda, fashalka iyo niyad-jabka jirana meesha ka saaran, si loo sii amba qaado Dowlad-dhiska socda iyo dimuqraadiyada. Qof walba oo fashiliya dadaalka socda, wuxuu magan u noqon doonaa taariikh madoow, wuxuuna shacabka ugu suntanaan doonaa dhinaca xun.” 

Ugu dambeyn waxaa uu ku baaqay in la aado jihada tanaasulka, si dalku uga baxo xayiraada siyaasadeed, mida dhaqaale iyo walbahaarka shacabka.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira