Warar 

Madaxda maamul-goboleedyada iyo kuwa dowladda federalka oo maanta mar kale kulan ku leh Muqdishu

Hoggaamiyasha dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada ayaa maanta mar kale kulan ku leh magaalada Muqdishu, kaas oo daba socda kulankii shalay ay yesheen.

Shirkii shalay furmay waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Kulanka waxaa looga hadlayaa ajandaha shir-weynaha lagu saxiixi doono heshiiskii 17 Sept.

Halkan kala soco

 

Warar kale oo la xiriira