Baarlamaanka 

Guddiga Ganacsiga iyo Dhaqallaha Baarlamaanka Puntland oo kormeeray Wasaaradda Gaadiidka

Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan Kormeer u kuurgalid iyo xog-waran guud ugu tagay Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta DPL.

Waxayna Guddigu kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda Mudane, Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda, iyagoo uga warbixiyey waxqabka Wasaaradda, qorshayaasha 2021 iyo caqabadaha jira.

Ugu dambayntii Guddiga iyo mas’uuliyiinta Wasaraddu waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta guddiga iyo Wasaaradda.

Warar kale oo la xiriira