Baarlamaanka 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ganacsatada kala hadlay bixinta canshuurta

Xildhibaan Bayle Cabdi Warsame iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, oo maanta kulan la qaatay Ganacsatada Magaalada Caabudwaaq, ayaa kala hadlay bixinta canshuuraha si loogu kabo adeegyada bulshada ee maamulka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Ganacsatada kala hadlay in doorkooda ay ka qaataan dagaalka lagula jiro xanuunka COVID-19.

Maamulka Galmudug ayaa wadda sidii dadka seegaanka loogu qancin lahaa bixinta cashuurta iyo dardar gelinta wada shaqeynta maamulka. 

Warar kale oo la xiriira