Warar 

Shirka Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta dib-u-dhac uu ku yimid

Shirka Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, oo maanta la filayay in dib loo amba-qaado ayaa dib-u-dhac uu ku yimid, iyadoo loo sababeeyay in madaxweynaha Galmudug oo safar deg-deg ah uu ku aaday deegaannada maamulkiisa.

Shirka oo ka socday teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlayay xal ka gaarista khilaafka hortaagan qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Madaxda ayaa shalay ku maqnaa latashiyo, waxaana la filayaa in berri dib loo amba-qaado shirka.

Warar kale oo la xiriira