Baarlamaanka 

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka digay muddo kororsi loo sameeyo hay’addaha dowladda 

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay muddo korarsi loo sameeyo hay’addaha dowladda, isagoona madaxda maamul-goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka ugu baaqay in ay ka mira dhaliyaan shirka Muqdishu uga socda.

Mudanaha ayaa xusay in ay jirto fursad doorasho madaama ay wadda-hadalada ay hadda socdaan, ayna jirto isku soo dhowaasho ka badan kuwii hore.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mira dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee  u socda dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaal ka.

Warar kale oo la xiriira