Warar 

Xukuumadda oo rajo badan ka qabta in shirka arrimaha doorashooyinka uu ku soo dhamaado natiijo wanaagsan

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mira dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee  u socda dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaal ka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cisman Dubbe, ayaa sheegay in Xukuumadda rajo badan ka qabto in kulamadu ku soo dhamaadaan natiijo wanaagsan iyo wadajir u fulinta heshiiskii 17kii September.

Saaxiibada Caalamku ayaa shalay ku booriyay in wada hadalaka ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.

Warar kale oo la xiriira