Baarlamaanka 

Arday maanta loo soo xiray tababar ku saabsan habka uu u shaqeeyo Baarlamaanka Puntland

20 arday oo ka socdey Jaamacadda Boosaso faraceeda Garoowe gaar ahaan kulliyadda Culuumta Bulshada, ayaa maanta tababar ku saabsan Barashada Baarlamaanka ugu soo dhammaaday xarunta Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland.

Tababarka oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa lagu baranayay casharo ku saabsan habka uu u shaqeeyo Baarlamaanka Dawladda Puntland.

Xiritaanka tababarka waxaa hadalo ka jeediyey bareyaal ka socdey Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe iyo ardaydii aqoon kororsiga ka faa’iideystey.

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa ugu dambeyn si rasmi ah usoo xiray aqoon kororsiga, isagoo uga mahadceliyey sida ay uga faa’ideysteen ardaydu, kulana dardaar inay usii gudbiyaan ardayda kale casharada ay qaateen.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira