Warar 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan wadatashi ah la yeeshay wax-garadka shan degmo oo ka tirsan Goolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Barnaamij la tashi dadweyne kala qeyb-galay wax-garadka shan degno oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wax-garadka degmooyinka Wadajir, Dharkeynley, Kaxda, Dayniile iyo Hodon, ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir baahiyaha ka jira degmooyinkooda, iyagoona inta badan Guddoomiyaha ka dalbaday dhismaha wadooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda, dhismaha goobaha Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta dhalinyarada, Haweenka, Nadaafadda, Amniga, siyaasadda iyo maareynta Biyaha.

Kulankan oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa ahaa kii 7-aad oo lagu qabto degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ujeedka kulamadda uu yahay in si hoose la isu xog wareysto si wax looga qabto baahiyaha shacabka ku nool Magalada Muqdisho.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira