Baarlamaanka 

Guddiga Hawlaha Guud ee Baarlamaanka Puntland oo kormeeray dhismaha laamiga isku-xira magaalooyinka Puntland

Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dawladda  Puntland oo uu Hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye oo ay wehliyaan Xildhibaanno katirsan Guddiga iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer u kuur-gelid ah ku tagay Laamiga dheer ee isku-xira magaalooyinka Puntland, gaar ahaan nawaaxiga buundada Midigar, oo uu dhexeysa Caasimadda Garoowe iyo degsiimada Sin-ujiif ee Gobolka Nugaal, halkaas oo qeybo kamid ah laamiga ay ka waxyeelo ka soo gaareen Roobab xoogan oo labo sanno ka hor da’ay.

Mas’uuliyiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa DFS ku eedeyey dib u dhaca ku yimid dhismaha jidkan oo loo saxiixay shirkad Shiineys ah, oo markii cudurka COVID-19 bilowday ay dib ugu noqdeen dalkooda balse DFS ay u diiday inay soo noqden si ay shaqada ay qaateen u qabtaan.

Ugu dambeyn Guddiga, Xildhibaannada iyo Guddomiyaha Gobolku waxay bulshada reer Puntland ugu baaqeen inay u istaagaan in laga qeyb-qaato dhismaha jidkan muhiimka u ah isku socodka Gobollada dalka, dhawaana shirweyne dhaqaale loogu uruurinayo lagu qabanayo magaalada Garoowe.

Warar kale oo la xiriira