Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku-xigeennadiisa oo ka qeyb-galay daah-furka mashruuca daryeel

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb-galay daah-furka mashruuca daryeel qeybtiisa dib-u-heshiisiinta deegaanada Galbeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasaarada arimaha gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo heysa hogaanka mashruuca ayaa sheegtay in mashruuca daryeel loogu talagalay dib-u-heshiisiinta deegaanada Galbeed ee Galmudug

Dr Maxamed Nuur Gacal Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo furay mashruuca ayaa Wasaarada arimaha hudaha Galmudug ku dhiiri-galiyay in barnaamijyadeeda ugu horeeya ay galiso dib-u-heshiisiinta.

Warar kale oo la xiriira