Baarlamaanka 

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta meel-mariyay sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka dalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta Muqdishu ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay mooshinka sharciga gaarka ah ee jaheynta doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacbka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo shir-guddoominayay kulanka ayaa sheegay in mooshinka ay oggolaatay 149 mudane, ayna diideen 3 xildhibaan halka midna uu ka aamusay.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xukuumadda faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga ah, iyagoo awood loo siiyay muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira