Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sharci-darro ku tilmaamay muddo kordhinta loo sameeyey hay’addaha dowladda iyo Farmaajo

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta hay’addaha dowladda.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in loo laabto heshiiska September 17, dalkana laga ilaaliyo qalalaaso iyaga oo beesha caalamka ugu baaqay iney soo farageliso.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta Muqdishu ku yeelay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay mooshinka sharciga gaarka ah ee jaheynta doorashada, kaddib markii uu bur-buray shirkii hordhaca u ahaa shir-weynihii heshiiska 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Warar kale oo la xiriira