Warar 

Sheekh Shariif “Madaxweyne Farmaajo muddo laba bilood ah ayuu sharci-darro ku joogo xafiiska”

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Sheekh Shariif oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdishu, ayaa ka hadlay xaaladdaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya, isagoona baaq u daray madaxweyne Farmaajo iyo dowlad-gobolleedyada.

Mudane Shariif, ayaa xusay in madaxweyne Farmaajo uu sharci darro ku joogo xafiiska muddo ka badan laba bilood, haddana uu ka shaqeynayo muddo kordhin sharci-darro ah.

“Madaama wakhtiga uu dhammaaday waxa keliya ee u furay waxaa waaye gogosha iyo wadda-haddalada socda in laga gaaro heshiis loo dhanyahay oo doorasho lagu gaaro.”

“Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira