Baarlamaanka 

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay inay joojiyeen kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John, ayaa sheegay in ay joojiyeen kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay Isgoysyada magaalada.

“Ma dhici karto in Baarlamaanka Soomaaliya inaan soo xiro inaan soo dilo, Baarlamaanka maanta waxaa hakinay kulankii ay lahaayeen waxaa loo baahan yahay wax boob ah in aysan dhicin is faham siyaaadeed in la gaaro ayaa loo baahan yahay, afar sano ayaa joogteen, doorsho dib ugu laabta, deegaanadiina dib kalsooni ugu laabta”ayuu yiri Taliye Saadaq John.

Taliyaha ayaa ka cosaday Ra’iisul Wasaaraha in mas’uuliyadiisa uu qaato, dadka isdiidan oo wax kala xoogaya ku celiyo teendhada.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta la filayay in ay ka doodi doona mooshin ku saabsan doorashada Qaranka.

Warar kale oo la xiriira