Warar 

Taliyihii maanta joojiyay kulankii Baarlamaanka oo xilka laga qaaday iyo taliye kale oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John, ayaa sheegay in ay joojiyeen kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay Isgoysyada magaalada. Taliyaha ayaa ka cosaday Ra’iisul Wasaaraha in mas’uuliyadiisa uu qaato, dadka isdiidan oo wax kala xoogaya ku celiyo teendhada.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha.

Warar kale oo la xiriira