Aragti 

Maafiyada qabiilka “The clan mafia”

Erey bixintaani waxay ku qorontaa kooxo daneysteyaal ah oo xil ku raadsada in ay metelaan qabaa’ilka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan balse ku daneysta sheegashadaas beenta ah.

Sinnaba ugama shaqeeyaan danta dadka ay sheeganayaan in ay metelaan balse waxay la shaqeystaan Kooxo kale oo qabaa’il kala duwan ka soo jeeda oo ku daneysiga siyaasadda ku bahoobeen sidaas ayaana ugu bixiyey ‘clan mafia’ si aan u fahamsiiyo aqristaha dhaqanka siyaasiga xukunka ku fadhiya 4.5ka.

Maafiyadu waa kala awood badan yihiin sidaas ayeyna markasta ay u yihiin loo shaqeeye iyo u shaqeeye. 

Tusaale ahaan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare, guddoomiye baarlamaan iyo madaxweyne, ra’iisul wasaare iyo wasiir, madaxweyne federaal ah iyo madaxweyne goboleedyada, guddoomiye gobol iyo mid degmo.

Dhaqankani waxuu Soomaaliya ka abuurmay xiligii isticmaarka weliba 1900-1960kii kedibna waxuu ka mid noqday dhaqan siyaasadeedka maafiya Siyaasadda Soomaalida.

Ujeedada isticmaarku dhaqankaan u curiyey waxay aheyd in uu ku jebiyo hogaamiyeyaashii xornimo doonka. Waxayna dadkii u kala qeybiyeen calan doon iyo lacag doon.

Wargeyska corierra della sera ee ka soo Baxs dalka Talyaaniga ayaa waxuu wareystay ninkii mustacmarada talyaaniga u joogey Soomaaliyey markii Soomaaliya ay xiriyadeeda dib u heshay, wariyaha wargeyskaasi weydiiyey sidey ku dhacday in talyaanigu u ogolaado in dalkaas barwaaqadaa oo goobta istaraatejigaa ku yaalo u ogolaado xariyaddiisa? waxuuna ninkii gumeystaha talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya uga jawaabey wariyahii: waxaa tartamayey Soomaali rabta lacag oo aan Siyaasin taageereyney iyo Soomaali rabta calan xor ah, waxaana adkaaday kuwii rabey xalanka xorta ah.

Sheekadaan waxaa iiga sheekeeyey allaha naxariistee Halgamaa Cabdulqadir Cali Boolaay qiyaastii 1998 mar aan ka saxafi ahaan wareysi la yeeshay. Waxuuna igu yiri: ninka xukunka iyo lacagta rabaahi xoriyad doon ma noqon karo. 

Ilaa taariikhdaasna, si joogto ah ayaa labadaas kooxood hardan uga dhaxeeyaa inkasta oo nasiib wanaag ay sida badan ay gacanta sare Yeeshaan xoriyad-doon ku, gaar ahaan taariikhda siyaasadda casriga ah ee Soomaaliya 1900-2021.

Dhqankaasi waxuu Soomaaliya dhaxal siiyey in musuqqu aan adduunka ka galnay kaalimaha ugu hooseeya, xukun military oo digtaatoori ah, jabhado mucaarad ah oo xarfo qabiil wata, qaran jab, dagaal sokeeye kii taariikhda adduunka ugu dheeraa.

Hanaqaadka dowlad Soomaaliyeed waxaa ku horgudban siyaasiyiinta hanti iyo xukun doon  ah oo aan umadnimo iyo qaran-dhis midnaba u jeedin. Dhaqankaasi waa midka qaaradda Afrika guud ahaan la haray, gaar ahaanna Soomaaliya.

Waxaana fasiraya dhaqankaas go’aankii shalay ay ku dhawaaqeen Xildhibaanadii hore kuna diideen in dalku doorasho aado weliba mid la mid ah siddii ay iyagu ku yimaadeen.

Kuwaasi iyaga ayaa ismetelay balse danta guud ee dalka ma aysan metelin. Mana ahan siyaasiyiin qaran balse waa maafiyo ku daneysta sheegashada metelaad siyaasadeed.

Waxba ka gelin in ay markale burburto dowladnimadii la 20 sano la isku soo kabkabayey inta ay tooda helayaan. Su’aashuse waxay tahay: maxaa la gudboon indheer garadka Soomaaliyeed?

Waxay ila tahay in ay la gudboon tahay: in ay runta aqbalaana oo ah: in markale go’aankaasi raad arooryo dib noogu celinayo waayo go’aan siyaasadeed waxuu ku meel Mari karaa: in uu sharciyad aan doodi ka furneyn heysto ama heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Go’aanka mudo kororsigu ma heysto aqlabiyad siyaasadeed iyo mid sharci toona.

Marar badan waxaan bulshada u sheegaa waxyaabo khibrad ahaan aan kala soo dhexbaxay dhacdooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bulshada, dhaqanka Soomaaliga iyo go’aan qaadashada siyaasiga ah. Waxaana sameeyey maahmaah dhaheysa: ‘Soomaalidu ma tashato ee waa talo xumeysataa’ 

Waxa shalay Xildhibaanadii hore go’aansadeen waxay ila tahay talo-xumeysi derajada koobaad. Sidaas darteed, waa in la diidaa go’aan gaaris kasta oo nuxurkeedu yahay damac kooxeed siyaasadeysan kana soo horjeeda nabada iyo xasiloonida siyaasadeed.

Waxaana cadeynayaa in aan aaminsanahay in go’aankaasi yahay mid lagu shirqoolayo Soomaaliya. Kooxdii go’aankaas gaarteyna ay si ku daneysi ah ugu adeegeyso dano shisheeye.

Maanta Soomaaliya, waxay ushirqoolan tahay damac Siyaasiyiinta Soomaalida iyo damaca shisheeye ee ku qotoma joqoraafi-siyaasadeedka  geeska Africa iyo weliba kheyraadka dihan ee dalkeena.

Allow Soomaalida talada u toosi.

W/Q Diini Maxamed Diini 

Warar kale oo la xiriira