Baarlamaanka 

Xildhibaan Cali Afgooye oo madaxweyne Farmaajo ka codsaday in go’aan deg-deg ah laga gaaro safiirkii ka horyimaado go’aanka Baarlamaanka

Xildhibaan Cali Afgooye, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday in go’aan deg-deg ah laga gaaro safiirkii ama dowladdii ka hor timaado go’aanka Baarlamaanka uu ka gaaray jiheynta doorashooyinka heer Federaal.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shalay ansixiyay mooshinka sharciga gaarka ah ee jaheynta doorashada, kaddib markii uu bur-buray shirkii hordhaca u ahaa shir-weynihii heshiiska 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Safiirka waa qof adiga aad ka oggolaatay warqadaha dalka uu kaga shaqeynayo, ayuu hadalka sii raaciyay mudane Afgooye.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira