Warar 

Madasha Badbaado Qaran oo sheegay inay qaadayaan tallaabo kasta oo ka dhan ah muddo kordhinta

Madasha Badbaado Qaran oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdishu ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Golaha Shacabka ay muddada ugu kordhiyeen hay’adda dowladda. Go’aanka ayey ku sheegeen mid halis ku ah xasilloonida dalka, nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madasha ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo in muddo kordhinta masiirka loo afduubo, sida ay hadalka u dhigeen.

Madasha Badbaado Qaran waxaa ku mideysan Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Jubbaland iyo Puntland.

Halkan ka akhriso

Warar kale oo la xiriira