Baarlamaanka 

Madaxweyna Farmaajo oo darajooyinkii ciidanka ka qaaday Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa xalay darajooyinkii ciidanimo ka xayuubiyay Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Sharkaalka ayaa Isniintii lasoo dhaafay isku dayay in uu hor-istaago kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ay kaga hadlayeen moshin ku saabsan doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira