Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga gaarka ah ee doorashooyinka heer Federaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxiixay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey Isniintii oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.

Shaarciga ayaa muddo laba sannadood ah u kordhiyay hay’addaha dowladda iyo madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira