Warar 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Golaha Wasiiradda uga warbixiyay shirkii arrimaha doorashooyinka heer Federaal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka golaha wasiiradda oo todobaadkan warbixin looga dhagaystay wasiiradda amniga, warfaafinta, waxbarashada iyo Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Isaag Cali Subag, ayaa sheegay in amniga deegaannada maamulka uu yahay mid wanaagsan isla markaana ciidanka maamulka iyo kuwa federaalka ay wadaan howlgallo lagu sugayo amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa sheegay in la xoojiyo amniga, sidoo kale waxaa uu golaha siiyay warbixin ku saabsan shirkii arrimaha doorashooyinka federaalka ee kusoo idlaaday natiijo la’aanta.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira