Baarlamaanka 

Madaxweyne Saciid Deni oo hortagayo Baarlamaanka maamulka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida la filayaa in uu hortago Baarlamaanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo wada-hadaladii arrimaha doorashooyinka ee dhowaan bur-buray.

Xildhibaannada ayaa dhankooda madaxweynaha weydiin doona su’aalo la xiriira shirka, iyo eedaha loo jeediyay maamuladda Puntland iyo Jubbaland.

Dowlada Federalka ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inay caqabad ku noqdeen hir-gelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii September 2020.

Warar kale oo la xiriira